{"product_id":"dhisiddii-maamulka-gobollada-dhexe-iyo-dawladgoboleedka-galmudug-xogogaal-9781912411818-new","title":"Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal","description":"\u003cstrong\u003eGalmudug waxay ku taalaa \u003c\/strong\u003ebartamaha Soomaaliya waxaana dega dhamaan qabaa'ilka Soomaalida. Laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, markaan ku soo biiray Siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo bartamihii 2017, waxaan ka shaqeeyay ee dhinaca siyaasadda, si Xogogaal ahaan ah baan buuggan ku falanqeyni. Sidoo kale buugga waxaa ku xusan dagaalladii sokeeye, shirarkii dib-u-heshiisiinta, ururdiimeedyadii dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii kala duwanaa sida; Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Maamulladii kale oo dalka ka jiray iyo Urur Diimeedyadii jiray waqtiyadaas. Waxaa si faahfaahsan buuggu u falanqeyn taariikhda Gobollada Dhexe, Maamulka Bartamaha Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, Caqabadaha uu la kulmay. Qeybta ugu balaaran ee buugga waa dhismihii Galmudug, guddiyadii shaqooyinka ay soo qabteen, Galmudugtii hore, Ximin iyo Xeeb iyo Maamulladii kale oo jiray. Sidoo kale Galmudug sidii ay u dhisantay, sababihii keenay ilaa iyo doorashadii Madaxweyne Xaaf iyo doorkii dowlada Federaalka Soomaaliya.\u003cbr\u003e\u003cbr\u003e\u003cstrong\u003eMaxamed Xaashi Cabdi \"Carrabey\" \u003c\/strong\u003e waa aqoonyahan, siyaasi, barre, ganacsade, aabbe ku dhashay magaalada Beled Xaawo 1972-dii, deganaa wixii ka danbeeyay 1991 wadamo kala duwan. Waxbarashadiisii hore waxay aheed Soomaaliya. Wuxuu ka qalanjabiyay Northampton University BA \u003cem\u003eDaraasaadka Warbaahinta\u003c\/em\u003e; Northampton University MA \u003cem\u003eXiriirka Caalamiga\u003c\/em\u003e; Robert Gordon University MBA \u003cem\u003eMaamulka Saliidda iyo Gaaska\u003c\/em\u003e; oo ah kuligood Ingiriiska. Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad-Goboleedka Galmudug (...-2018). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta (2020-). Wuxuu ku hadlaa afaf kala duwan sida Soomaaliga, Ingiriiska, Hollandiiska, iyo Carabiga. Wuxuu qoray oo la daabacay: \u003cem\u003eDhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal\u003c\/em\u003e (Looh Press 2024). Mudane Maxamed X. Cabdi Carrabey waa aabbe xaasle ah lehna 12 caruur.","brand":"INDEPENDENT CAT","offers":[{"title":"New","offer_id":51545547440418,"sku":"9781912411818-new","price":20.94,"currency_code":"USD","in_stock":true}],"thumbnail_url":"\/\/cdn.shopify.com\/s\/files\/1\/0893\/4755\/5618\/files\/9781912411818.jpg?v=1776423219","url":"https:\/\/www.albakireads.com\/products\/dhisiddii-maamulka-gobollada-dhexe-iyo-dawladgoboleedka-galmudug-xogogaal-9781912411818-new","provider":"AlbakiReads","version":"1.0","type":"link"}